Home Wararka Maanta Xawaaraha Lagu maro wadooyinka qaar ee Sweden oo la dhimay

Xawaaraha Lagu maro wadooyinka qaar ee Sweden oo la dhimay

0

Hay’adda Trafikverket ayaa maanta go’aamineys in la bedelo xadka xawaaraha waddooyin gaaraya 111 mil ama 1 110 kilo mitir iyada oo dhanka kale sagaal mil ama 90 kilo mitir na la kordhin doono.

Hay’adda Trafikverket ayaa sheegtay in xawaaraha waddooyinka oo la dhimo, lagu badbaadinayo nolol.

– Waxay ku saabsan tahay in la badbaadiyo nolol sida ugu suuragalsan ee la hubo. Goobaha ammaanka waddooyinka uu aad u sarreeyo ee labada wado ee baabuurta marto u dhaxeeyo xaduud bir silig ah, waxaan kordhineynaa xawaaraha balse waddooyinka ammaankooda uu hooseeyo ee aan lahayn kala qeybiye xad u ah, waxaa loo baahan yahay in xawaaraha hoos loo dhigo, ayay tiri  Sandra Nordahl, oo ah madax qeybeed ka tirsan hay’adda Trafikverket mar ay la hadashay idaacadda Ekot.

Howshan lagu eegayo ammaanka waddooyinka gaadiidka ee Sweden ayaa waxay hay’addu soo bilowday sannadkii 2014, waxayna socon doontaa ilaa iyo sannadka 2025. Inta xilligaasi u dhaxeysa ayay hay’adda Trafikverket waxay qorsheeneysaa in hoos loo dhigo xawaaraha waddooyinka dowladda oo dhererkoodu gaarayo 400 mil ama 4000 oo kilo mitir iyada oo dhanka kale sare loo qaadi doono ammaanka waddooyin dhererkoodu yahay 100 mil ama 1000 kilo mitir.

Xawaaraha cusub ee waddooyinka ayaa dhaqan gelaya 1-da bisha November.

Sandra Nordahl, madaxa qeybeed ka tirsan hay’adda Trafikverket ayaa sheegtay in haddii uu shil galo baabuur ku ordaya 80 kilomitir saacaddii  iyo bedelkiisa 90 kilo mitir, ay halista dhimashadu yaraaneeyso 40 boqolkiiba.

Hase yeeshee uu go’aanka dhimista xawaaraha waddooyinka dhaliilsan yahay ururka gaadiidleyda ee Riksförbundet M Sverige, ee markiisii hore la oran jiray Motormännen.

– Halkii hay’adda Trafikverket ay ka qaban lahayd howlaha muhiimka ah, sida kala xadeynta iyo dayactirka waddooyinka, astaan u yeelidda meelaha shilalka ka dhici karaan sida leexadyada halista ah, ayay hay’addu door biday inay hoos u dhigto xawaaraha gawaarida lagu wado. Waxaan taasi u aragnaa xal aad u xun, ayay tiri Heléne Lilja, oo ah madax xiriirka ee ururka gaadiidleyda oo la hadashay Ekot.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here