Home Wararka Maanta Xisbiga SD ee Cunsuriga oo helay taageero weyn Sahmin Cusub oo lasoo...

Xisbiga SD ee Cunsuriga oo helay taageero weyn Sahmin Cusub oo lasoo bandhigay

0

Waxay u muuqataa in xisbiga SD ee Dalka Sweden uu taageero weyn ku leeyahay bulshada Sweden sahmin Cusub oo lasoo bandhigay.

Su’al la waydiiday bulshada oo aheyd xisbiga ay codkooda siinayaan hadii doorashada dhacdo ayaa dad gaaraya
Boqolkiiba 23 waxay jawaabtooda ka dhigeen xisbiga SD.

Xisbiga hogaannka Dowlada haya ee Socialdemokraterna ayaa isla helay 24 cod marka la eego sahminta lasoo dhigay.

– Waxaan noqon karnaa xisbiga ugu weyn Sweden, ayuu yidhi Richard Jomshof oo ka tirsan SD.

Laakiin hogaamiyaha xisbiga Sooshiyal dimuqraadiga Stefan Löfven ayaanan aaminsaneen arintaasi.

– Waan hubaa in dadku si ka duwan u fikiri doonaan
marka la gaadho doorashada mar kale, ayuu yidhi Stefan Löfven.

sahminta waxa iska kaashaday wargeyska Dagens Nyheter
iyo shirkadda Ipsos ee sahaminta sameysay.

Doorashadii sanadkii hore, xisbiga Sooshiyal dimuqraadiga ayaa helay boqolkiiba 28 codbixinta. SD ayaa isna helay boqolkiiba 17.5 waxana uu noqday xisbiga saddexaad ee ugu weyn  barlamaanka. Moderatesku ayaana ah midka labaad ee ugu weyn.

Soamliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here