Home Wararka Maanta Baraf wata Dabeylo iyo Roob oo bari laga filayo qeybo kamid ah...

Baraf wata Dabeylo iyo Roob oo bari laga filayo qeybo kamid ah Sweden

0

Waaxda saadaasha hawada ee iswiidhishka ayaa soo saartay digniin heerka koowaad ah oo ku saabsan suurtagalnimada in dabaylo xoog leh ay ka dhacaan qaybo badan oo dalka ah, gaar ahaan qeybaha waqooyiga berri.

Baraf culus iyo roob wata dabaylo gaadhaya ilaa 24 mitir sekenkiiba ayaa la filayaa.  

Sahanka meteorology wuxuu xaqiijiyay in tani ay sabab u tahay cadaadis hoose oo xoog leh, oo ku wajahan waqooyiga Norland, kaasoo horseedaya dabaylo xoog leh, gaar ahaan Gobolada Vasterbutten iyo Norbotten iyo qaybo ka mid ah Gamtland.

 Waxay xustay in laga fogaado maalinta berrito buuraha ku yaala Nawaaxigaasi oo dhibaato kaasoo gaari karta.

Barafka ayaa la filayaa inuu gaaro qaybo ka mid ah xeebta isla habeenkii, sida ay sheegtay qeybta saadaasha hawada Sweden.

Hay’ada ayaa ka digtay inay jirto halis baraf ah  aroorta subaxnimada Talaadada ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here