Home News in English Finland oo Qaxooti Somali ah dib ugu celisay Magaalada Muqdisho

Finland oo Qaxooti Somali ah dib ugu celisay Magaalada Muqdisho

0

Dowlada Finland ayaa Dalka Somaliya gaar ahaan Magaalada Mqudisho waxay dib ugu celisay Qaxooti Somali ah kuwaasi oo Sharciga Finland u diiday mudo dhoor sano kahor sida ay xogta ku heshay warbaahinta Somaliska.

Mid kamid dadka la celshay oo ka hadlay arintaasi ayaa sheegay in looga yeeray Xaruunta Booliska halkaasi oo marku uu tagay la qabtay waxana diyaarad laga Saaray Caasimada Finland ka hor inta aan laga dajin Magaalada Muqdisho.

Inkastoo warbaahinta Caalamka aysan ka warheenin arintan ka bilaabatay Finland hadana Somaliska ayaa si hoose u heshay dib u celinta dadkan Somalida ah oo mudo ku sugnaa Finland si sharciga loo siiyo.

Arintan dib u celinta ayaa keentay in Somali badan oo sharci la’an ah ay kasoo cararaan wadanka Finland kuwaasi oo iska dhiibay wadamada kale si halkaasi ay markale uga raadsadaan Sharciga Yurub.

Wixii ku soo kordha lasoco

Somaliska Finland

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here