Home News in English Yurub oo Qaxooti Somali ah kasoo qaaday Qaxootiga ku nool Dalka Itoobiya

Yurub oo Qaxooti Somali ah kasoo qaaday Qaxootiga ku nool Dalka Itoobiya

1

Dowlada Jarmalka ayaa dib u dejin u sameysay 154 qof oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasoo xalay laga duuliyey magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya oo ay ku noolaayeen.

Qaxootigan ayaa gaaray Magaalada Kassel ee dalka Jarmalka halkaasoo dib u dejin looga sameyn doono sida ay sheegtay heyadda IOM oo gacan ka geysatay arrintan.

Saraakiil ka tirsan IOM ayaa sidoo kale sheegay in bisha soo socota ee Novembar dalka Itoobiya la qaadi doono qeyb kale oo qaxootigan ka tirsan kuwaasoo gaaraya 200 oo qof, iyadoo la geynayo isla dalka Jarmalka.

Inkastoo dalka Jarmalka ay ku nool yihiin Qaxooti fara badan oo Soomaali ah ayaan haddana looga baran talaabooyinka noocan ah ee qaxootiga dibeda looga keenayo si dib u dejin loogu sameeyo.

Soomaalida dalka Jarmalka ku nool oo tirakoob saxan aan laga heynin balse lagu qiyaaso illaa 50 kun ayaa intooda badan waxay dalkaas ku tageen siyaabo kala duwan oo ka mid tahay tahriibka iwm.

Somaliska Germany

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here