Home News in English Stefan löfven oo ka hadlay Cabsida laga qabo Qaxooti tiro badan ee...

Stefan löfven oo ka hadlay Cabsida laga qabo Qaxooti tiro badan ee yimaada Sweden

0

Raisal Wasaaraha Sweden löfven ayaa ka hadlay Cabsida laga qabo imaatinka Qaxooti tirada badan ee Suuriyaanka kuwaasi oo kasoo cararaya farogalinta Turkiga uu ku sameeyay Waqooyiga Dalka Suuriya.

löfven oo la hadlay Joornalka Aftonpladet ayaa hoos u dhigay Cabsida ay muujiyaan Qaar kamid ah Xisbiyada ka jira Sweden kuwaasi oo tilmaamay halista ka imaan karta qaxootiga uu soo fasaxayo Turkiga.

Waxa uu sheegay in Sweden aysan aheyn Dalka ugu horeeya ee Qaxootiga iska soo dhiibaan iyo in aysan jirin Sabab dheeraad ah oo Sweden ku soo jiidaneyso Qaxootiga lakin ay lamid tahay wadamada kale ee Yurub.

Hadalka löfven ayaa jawaab u ah hadal kasoo baxay Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna kaasi oo sheegay i  ay jirto Cabsi Qaxooti oo Dowlada u diyaar garoobin.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here