Home Wararka Maanta Qiimaha Lacagta Kaarka SL-ka ee Gadiidka Stockholm oo la kordhinayo

Qiimaha Lacagta Kaarka SL-ka ee Gadiidka Stockholm oo la kordhinayo

0

Qiimaha Lacagta Kaarka SL-ka ee Gadiidka Stockholm ayaa la kordhindoonaa labo bil kadib oo ku beegan Bisha January ee Sanadka 2020 Qorshaha oo qeyb ka ah Miisaaniyada Gobolka waxaa Ansixiyay Golaha Degmada ee Stockholm.

Guud ahaan Kaararka lagu Raaco Gadiidka kala duwan ayaa lagu daridoonaa Qiimo dheeraad ah sidan ku xusan Qoraalka Hoose oo Somaliska.com idin soo diyaarisay.

Kaararka la Kordhiyay.

Kaarka Dadka Waaweyn.

Qiimaha hore ee kaarka ayaa ahaa 890 kronor waxaa Lagu kordhiyay 40 Kronor iyadoo laga dhigay 930 Kronor.

Kaarka Ardayda iyo Dhalinyarada ayaa isna laga kordhiyay Qiimahiisa hore waxaana laga dhigay 620 Kronor Halka markii hore uu ahaa 590 Kronor.

Waxaa isna la kordhiyay Kaarka la jarto halka mar kaasi oo laga dhigay 50 Kronor guud ahaan isbadalka kaararka ayaa bilaabandoonaa labo bil kadib ama Sanadka Cusub bilowgiisa.

Kaarka SL-ka ayaa la filayaa in lagu daro 20 Kronor Sanadka 2022 xiligaasi uu gaaridoono 970 Kronor iyadoo Qorshaha uu yahay in uu gaaro 1,000 kronor mustaqbalka sida uu qoray Joornalka Svenska Dagbladet.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here