Home News in English KD Luuqada Swedhishka halagu Xiro Qofka doonaya Deganaanshaha Sweden

KD Luuqada Swedhishka halagu Xiro Qofka doonaya Deganaanshaha Sweden

0

Maamulka Xisbiga Kristdemokraterna ayaa keenay hindise ah in dadka doonaya inay helaan iqaamadda abadiga ah ee Sweden lagu xujeeyo inay ku baasaan imtixaan dhanka luuqadda Swedish-ka ah.

Waxaa hindisahan lagu soo qaadi doonaa kal-fadhiga heerka qaran ee xisbiga KD oo qabsoomaya muddo todobaadyo yar gudohood ah.

Waxaa tillaabadan ugubka ah oo ka mid ah qorshe uu xisbigani u dejiyay arrimaha isdhexgalka sharaxaysa Ebba Busch Thor oo ah hoggaaiyaha xisbiga.

– Aniga ahaan, xaqiiqadii waxaa nagu jirta qaan dhanka is dhexgalka ah, waayo dad badan baa Sweden yimaada iyagoo leh hami iyo yididiilooyin ay nolol cusub kaga bilaabayaan Sweden, balse la isma waydiiyo wadiiqadii taa lagu gaari lahaa, ayay tiri.

Waxaa hindisaha ka mid ah in qofka lagu xiro inuu ka gudbo imtixaan dhanka luuqadda ah iyo weliba barnaamijka hanuuninta bulshada ee loo yaqaanno samhällsorientering, marka uu doonayo inuu qaato sharciga deganaanta joogtada ah ee uppehållstillstånd. Markaa kaddib un buuna qofku xaq u yeelan doonaa in la siiyo dhalashada Sweden, sida ku cad hindisaha xisbiga.

Arrintan ayaa u muuqata mid sii laxaadsanaysa oo isa soo tareeysa, waayo labada xisbi ee mucaaradka ah ee Moderaterna iyo SD ayaa iyagu horay u keenay hindisahan ku saabsan aqoonta luuqadda.

Xitaa dowladda iyo labada xisbi ee Centerpartiet iyo Liberalerna  ayaa barnaamij siyaasadeedka loo yaqaanno 73-ka qodob horay ugu soo daray hindise noocan ah oo ku saabsan in la qaado imtixaan luuqadeed, ha yeeshee, arrintan weli laguma sii samaynin dib u eegis dheeraad ah.

somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here