Home News in English Sharci lagu Mamnuucayo Gudniinka Wiilasha oo Xisbiga Centerpartiet u codeeyay

Sharci lagu Mamnuucayo Gudniinka Wiilasha oo Xisbiga Centerpartiet u codeeyay

0

Kalfadhigii xisbiga Centerpartiet ee axaddii shalay la soo gabagabeeyey ayaa aqlabiyad ugu codeeyay hindise dhigaya in uu xisbigu ka shaqeeyo sidii lagu mamnuuci lahaa gudniinka wiilasha haddii aanay jirin sabab caafimaad.

Ha yeeshee, go’aankan ayaa ah mid uu ka soo horjeeday hoggaanka sare ee xisbigu, iyadoona ay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf raalin gelin ka bixisay go’aankaa.

Intii ay socotey dooddii xisbiga ee shalay ayuu guddoomiye xigeenka xisbiga Anders W Jonsson ka digey in mamnuucidda gudniinka wiilashu uu ishaaro khaldan u dirayo dadka laga tirada badan yahay ee awalba dhibbanaa, sida uu u dhigay.

Yeelkeede, markii hindisaha cod loo qaaday waxaa guulaystey qaybtii u doodaysey in la mamnuuco gudniinka wiilasha yar yar, haddii aanay jirin sababo caafimaad. Annie Lööf oo ah hoggaanka xisbiga ayaa arrintan uga warramaysa Wakaaladda Ekot.

– Haatan kalfadhiga xisbigu wuxuu doortay go’aan ka dhan ah hoggaanka xisbiga, waan ka shallaaynayaa, balse isla markaana waa go’aan uu kalfadhigu gaarey, waana falanqayn doonnaa dhamaanba wixii go’aanno ah oo haatan la gaarey, ayay tiri.

Waxaa go’aankan aad u cambaareeyay dad ay ka mid yihiin Golaha Dhexe ee Yuhuudda dalka Sweden, kuwaasoo sheegay inay hadda kaddib adkaan doonto inuu qof Yuhuudi ihi Sweden kusii noolaado, haddii uu go’aankani sharciyoobo, haddaba sidee u aragtaa? Annie Lööf oo sheegtay inay sidoo kale Muslimiinta la xiriirtey ayaa tiri.

– Dabcan waan ka walaacsan ahay go’aankan la gaarey, marka si buuxda ayaan u fahmi karaa, balse waanu sii ambaqaadi doonnaa xiriirada wanaagsan ee aannu la leennahay ururrada Muslimiinta iyo Yuhuudda, ayay raacisay.

Waloow uu koongarayska xisbigu go’aankan u cuskaday wax uu ku sheegay ‘’xuquuqda carruurta iyo qiyamka qofka’’, misna Annie Lööf ayaa qabta inay jirto arrin kale oo iyaduna asaasi ah taasoo ah xorriyadda diimaha.

– Xorriyadda diintu meel sare ayay naga joogtaa, waana ilaalinaynaa xeerarka dhigaya inay la dhowro xuquuqaha dadka laga tirada badan yahay ee ku nool Sweden, mana aha wax aannu ku qoreeyno mooshinka Baarlamanka Sweden, ayay tiri.

Hindiseyaal noocan ah ayey horay u qabeen xisbiyada SD iyo Vänsterpatiet.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here