Home News in English Sharciga Cusub ee Guryaha oo saameen ku yeeshay Somalida

Sharciga Cusub ee Guryaha oo saameen ku yeeshay Somalida

10

Dhawaan Dalka Sweden waxaa ka dhaqan galay Sharci Cusub kaasi oo dhigaya in Hoyga laga ceshto qofkii ogolaansho la.an gurigiisa ka kireeya qof kale heshiiska oo aanan la socon Shirkada markii hore kaa kireysay Gurigaasi.

Somalida oo kamid ah Soo galootiga ugu badan ee ku nool Sweden ayuu sharciga saameen ku yeeshay waxana dadka badankooda ay iska saareen Dadkii Adreska ku ahaa.

Goobaha ay isku timaado Somalida waxaa inta badan looga hadlaa Sharciga Cusub ee keeni kara mararka qaar in Qofka ku muteesto Xabsi iyo baaritaan dheeri ah.

Mid kamid ah Dadka laga saaray Ciwaanka ama Adreska oo lagu magacaabo Deko ayaa Somaliska u sheegtay in dhoor sano aysan iska badalin Adreska guriga ee Warqadaha ugu soo dhacaan lakin maanta ay badashay.

Mayuu saameen kugu yeshay Sharciga Fadlan Commentiga noogu reeb

Somaliska Stockholm

 

AD

10 COMMENTS

  1. haa walala aniga ahaan saameyn weyn ayuu igu yeeshay qofkii adreska aanku ahaa wuxuu igu yiri iga saaro weliba qasab mana aqaano qofkale sababto 2 sano kaliih ayan joogaa sweden

  2. Waxaan la yaabay qofka leh soomaalida sameyn ayuu ku sameyey sharciga la soo saaray..
    Sweden waa kula joognaa,,, sharciga”gacan labaad” waxa uu khuseeyaaa dadka Kireeeya.
    Soomaali guryo kireysa ma jirto..somali leh guryo ay kireeyaan ma jiraan.. Soomaalida address ayey isa siiyaan sida uu sheegay XASAN XUSEEN.
    FADLAN af swidishka soo baro..
    Sharciga waxuu sheegayaa in aanu qof guri gacan labaad kireyn karin isag oo u sheegin sharkidda guryaha leh. hadii lagu helo waxaa lagala noqoyaa , kontract gacanta kowaad.
    Waxaa sharciga saameyn weyn ku sameeynayaa dadkii lacag dheeraad ah ku kireyn jiray ee lahaa guryaha Gaarka ah iyo sharkidaha sida qaldan uga kireeya dadka ay hayso baahida guryo la’aanta ah.

  3. Lkn weey kala tahay soo ma ahan qofka Addreska kugu ah , iyo qof aad gurigaaga dhan intaad ka kireeysay oo adigana aadan meesha deganeen.?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here