Home Wararka Maanta Xisbiyada Sweden iyo Booliska oo maanta ka shiraya Hindisaha lagu joojinayo Kooxaha...

Xisbiyada Sweden iyo Booliska oo maanta ka shiraya Hindisaha lagu joojinayo Kooxaha Gangiska

0

Dowladda iyo dhammaan xisbiyada dalka marka laga reebo SD ayaa maanta ka doodaya hindisayaal dhowr ah oo  wax looga qabanayo kooxaha maafiyada ee geeysata dhibaatooyin ey ka mid yihiin toogashooyinka iyo dilalka.

Gunnar Appelgren oo ah dambi baare ka tirsan booliska Stockholm ahna qabiir ku xeel dheer kooxaha dembiyada isku baheeysta ayaa hindasayaasha  laga doodayo u arka kuwa wanaag iyo dhaliilba leh.

– in badan oo ka mid ah dambiyada loo adeegsado hubka waxaa laga dhigaa kuwa culus oo micanaheedu yahay in dadka gala laga soo saaro bey’ada khilaafka. Waa wax wanaagsan waayo durbadiiba xaaladda ayaa qaboobeysa, ayuu yiri Gunnar Appelgren.

Sarkaalkan booliska ayaa sidoo kale soo dhoweeyay ra’yiga ah in la kordhiyo ciqaabta ugu yar ee lagu muto carqaladeynta sida sharciga u shaqeeyo oo uu ula jeedo cabsi gelinta markhaatiyaasha oo sababeysa in la waayo cid marag furta, waana dhibaato ka jirta baaritaanada dambiyada la xariira maafiyada.

Dambi baare Gunnar Appelgren ayaa dhaliilsan in la abuuro goobo gaar ah oo cid walba lagu baari karo, isaga oo sheegay in goobaha aysan xiisa lahayn, balse shaqsiyaadku ay yihiin kuwa xiisaha leh. Appelgren ayaa sheegay haddii booliisku ay galaan xaafad oo ay iska baaraan cid walba oo halkaasi degan, in sidaasi ku lumeyso aaminaada loo hayo bileyska.

Habka ah in baaritaan xagga jirka ama fatashid lagula dhaqaaqo dad ku sugan goobo cayiman ayaa waxuu wakhti kooban ka jiray dalka Danmark.

Madaxa booliska magaaladda Malmö oo la deris ah magaaladda Kobenheegen ee Danmark, Stefan Sintéus ayaa dhankiisa sheegay in hanaankaasi uusan ahayn mid wax ku ool ah balse waxuu soo jeediyay in bedelkeeda la fududeeyo baaritaanada aqalada ama guryaha.

Stefan Sintéus ayaa sheegay in booliska imminkaba ay heystaan awood ay ku baaraan qofka ay ku tuhmaan in uu sito mindi ama bastoolad ama gaariga ay ka shakiyaan.

Madaxa booliska Malmö Stefan Sintéus oo la hadlay idaacadda P4 Malmö ayaa carabka ku adkeeyay in fududeeynta guryaha laga shakiyo oo la baaro ay tahay arrin muhiim ah oo wax ka tari kara ka hortaga dembiyada.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here