Home Wararka Maanta Sweden Degmadii labaad oo diiday Qaabilaada Qaxootiga cusub

Sweden Degmadii labaad oo diiday Qaabilaada Qaxootiga cusub

0

Madaxa maamulka degmada Bengtsfors ee gobolka Dalsland, Stig Bertilsson ayaa sheegay in degmada aysan qaabili doonin qaxooti kale,isaga oo ku andacooday in degmadu hore u qaadatay qaxooti ku filan ayna tahay iney degmooyinka kale qaataan mas’uuliyadooda.

–  Waa wax macquul ah in degmooyinka u soo istaagaan arrinkan ayna qaataan mas’uuliyad weyn, ayuu yiri Stig Bertilsson.

Stig Bertilsson oo ka tirsan xisbiga Moderat-ka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda laga doonayo in ay kaalmo lacag siiso degmooyinka qaabila qaxootiga.
Baaris uu sammeeyay TV 4 ayaa muujineysa in degmooyin fara badan ka fekerayaan in ay diidaan qaabilaadda qaxootiga ku cusub Swedan iyada oo ugu yaraan 20 degmo su’aallo ka keenayaan sharciga deegaameynta ee siiya wakaaladda socdaalka in uu u qeybiyo degmooyinka dalka dadka sharciga ka hela Sweden.

Maamulka degmada Sölvesborg ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin in qaxooti cusub soo degaan degmadooda.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here