Home Wararka Maanta Sweden Qaxootiga oo fursado Shaqo ka helaya Miisaaniyada Cusub ee Dowlada soo...

Sweden Qaxootiga oo fursado Shaqo ka helaya Miisaaniyada Cusub ee Dowlada soo bandhigtay

0

Dowlada Sweden ayaa shalay soo bandhigtay Miisaaniyada Dowlada ee Sanadka Danbe taasi oo si gooni ah indhaha loogu hayay Madama tii hore ay soo dhiseen Xisbiyada M iyo KD.

Miisaaniyada Dowlada soo bandhigtay oo ka koobneed dhoor Mashruuc waxaa ku jiray in Lacag dheeraad ah lagu caawiyo Shaqooyinka Dalka si dad badan shaqo u helaan si lamid ah sidii hore.

Lacagaha Dowlada ugu tala gashay suuqa Shaqada ayaa loogu tala galay Xafiiska Shaqada in uu dadkaasi kaga caawiyo helitaanka shaqooyin ay naftooda ku dabaraan.

Dowlada ayaa dhanka kale sheegtay in Lacagta sidoo kale lagu taageerayo toobar la siiyo dadka shaqo doonka ah si suuqa shaqada ula qabsadaan.

Miisaaniyada Dowlada ee Sanadka danbe waxaa ka carooday xisbiyada Dalka kuwaasi oo Dowlada u arka in aysan Muhiimadsiinin la dagaalanka Kooxaha gangiska ee dhibaatada ka geesta dalka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here