Home Wararka Maanta Sweden 8 Iskuul iyo goobo Xanaano oo la xiray kadib hajabaad loo...

Sweden 8 Iskuul iyo goobo Xanaano oo la xiray kadib hajabaad loo diray

0

Degmada Valdemarsvik wararka laga helayo ayaa sheegaya in la xiray ku dhawaad 8 iskuul iyo goobo Xanaanada Caruurta kadib markii mid kamid ah isuulada Degmadaasi loo diray warqad hanjabaad ah.

Maamulka Degmada oo helay fariinta hanjabaada ayaa u arkay mid halis ah waxana ay go’an ku gaareen la xiro ku dhawaad 8 iskuul waxbarasho iyo goobo xanaanada caruurta.

shalay oo Arbaco ah walidiinta Degmada ayaa lagu wargaliyay in caruurtooda ay joogaan guriga isla markana aysan tagi karin iskuulada waxbarashada madama la helay fariin hanjabaad ah.

Valdemarsvik ayaa ku taalla gobolka Östergötland iyo Småland waxana maamulka Degmada ay sheegeen in maalinta jimcaha dib loo furayo iskuulada waxbarashada ee la xiray.

Somaliska Stocholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here