Home Wararka Maanta Norway Hay’ada UDI oo Somalida la kulmaysa Maanta

Norway Hay’ada UDI oo Somalida la kulmaysa Maanta

0

Waxaa maanta lagu wadaa in kulan uu dhexmaro hay’ada Qaxootiga u qaabilsan Dalka Norway iyo Somalida kulankaasi oo noqonaya kii labaad oo dhex mara hay’ada iyo Somalida.

Hay’ada soo galootiga Norway ayaa dooneysa in kulanka ay somalida kusiiso warbixin halka uu marayo kiisaska Somalida Dalkaasi ku nool ee Sharciyada ka maqanyihiin iyo kuwa kale ee laga doonayo qaadashada Basaboorka.

Dhanka Somalida ayaa kulanka lagu wadaa in ay kusoo bandhigaan Su’alo la xiriira turjimaanka laanta soogalootiga kuwaasi oo lagu dhaliilay in aysan si sax ugu turjumin Somalida.

Ciwaanada looga hadlayo Kulanka.

1 Aqoonsiga iyo Qiimeenta Qofka Somaliga

2 Basaboorka Somaliga

3 dib u eegida ay ku sameeyaan qiimeenta Magangalyo.

Qofkasta oo Somali ayaa kulanka ka qeyb gali kara waxa uu ka dhicidoonaa Xaruunta UDI abaaro 17:00.

Somaliska Oslo

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here