Home Wararka Maanta Xisbiyada Sweden oo ka carooday miisaaniyada Dowlada ee sanadka 2020

Xisbiyada Sweden oo ka carooday miisaaniyada Dowlada ee sanadka 2020

0

Qaar kamid ah Xisbiyada Dalka Sweden ayaa ka carooday miisaaniyada Dowlada ee sanadka 2020 kaasi oo Barlamaanka loo gudbinayo maanta oo arbaco ah.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa ka carooday Qorshaha Dowlada ay canshuurta uga yareesay dadka qaata mushaharka tirada badan waxana xisbiga uu sheegay in lacagtaasi lagu caawin lahaa goobaha daryeelka iyo iskuulada waxbarashada.

”Hambalyo ayaan leeyahay dadka taajirka ee Sweden ku nool ” waxaa sidaasi tiri Ulla Andersson oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet.

Labada Xisbi ee Moderaterna iyo Kristdemokraterna ayaa ka carooday in Dowlada aysan lacag u kordhin Booliska ,xabsiyada iyo Maxkamadaha.

”Hal sano oo kaliya waxaa sweden ka dhacay 214 toogasho taasi looma baahneen ayay tiri  Elisabeth Svantesson oo ka tirsan Xisbiga M.

Dhanka kale labada Xisbi ee Liberalerna
Iyo Centerpartiet oo la shaqeeya Dowlada ayaa aad ugu faraxsan miisaaniyada Sanadka danbe.

Miisaaniyada Sanadka danbe ayaa diirada lagu saaray dhanka Difaaca Shaqooyinka Dalka iyo caawinta deegaanada baadiyaha ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here