Home Wararka Maanta Degmada Järfälla ” Hilibka Xalaasha ah lagama helo iskuuladeena Waxbarashada”

Degmada Järfälla ” Hilibka Xalaasha ah lagama helo iskuuladeena Waxbarashada”

0

Maamulka degmada Järfälla ee magaalada Stockholm ayaa sheegay in dookhyada hilibka loo qalo qaabka xalaashaha ah aan gebi ahaanba laga heli doonin dookhyada cunto ee dhamaanba iskuullada ku yaalla degmadaasi.

Wuxuu maamulku tillaabadan u cuskaday iyadoo aaney qandaraaska ka soo qayb gelin kawaanleeyda hilbaha u qala si xalaal ah, isla markaana buuxin karta xeerarka dhowrista xuquuqda xoolaha, sida ay sheegtay Kerstin Svensson oo ah madaxa laanta qandaraasyada ee degmada Järfälla oo u warrantay Idaacadda Sweden laanta af-Soomaaliga.

– Dadka qandaraaska soo dalbaday ma buuxin karaan shuruudaha hilibka xalaasha ah, sidoo kale kawaannada hilibka xalaasha ah qala ee buuxiya shuruudaha xuquuqda xayawaanku wax qandaraas dalab ah nooma soo gudbin, ayay tiri Kerstin.

Si kastaba waxaa degmadan ku dhaqan dad badan oo Muslimiin ah oo ay Soomaaliduna ka mid yihiin, waxaana tillaabadan ka fal celinaya Soomaali badan oo ay ku jiraan waalidiin ay carruuri u dhigato iskuullada degmada.

Cabdi Maxamuud Cabdalla, Safiya Maxamuud iyo Nuura Aadan oo ka mid ah bulshada degmada ku dhaqan ayaan wax ka waydiiyay sida ay u arkaan inaan iminka hilib xalaal ah laga bixin doonin iskuullada degmada Järfälla.

– In ay carruurta qaarna helaan hilib qaarna la yiraahdo khudaar ku ekaada socon mayso, ayay tiri Nuura Aadan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here