Home Wararka Maanta Booliska Norway oo Xabsiga dhigay Somali lagu eedeeyay Argagixisnimo

Booliska Norway oo Xabsiga dhigay Somali lagu eedeeyay Argagixisnimo

0

Booliska Norway ayaa shaaciyay in ay xabsiga dhigeen nin looga shakisan yahay falal Argigixisanimo kaasi oo warbaahinta gudaha Norway ay qoreen in uu kasoo jeedo dalka Somaliya.

Booliska Norway qeybta Sirdoonka ee PST ayaa intaasi ku daray in ninkaan uu kasoo dhex muuqday baaritaan ay wadeen oo la xiriira dhanka argigixisanimada Waxana uu booliska codsaday in mudo labo isbuuc ah Xabsiga lagu hayo ninkaasi oo 20 sano jir ah.

Qareen u doodayay ninkaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ninka uu la yaaban yahay sababta loo soo xiray lakin warbaahinta qaarkood ayaa soo daabacay in ninkaasi horay looga xiray falal la xiriira maandooriye.

Xariga ninkaasi ayaa ku soo aadaya iyadoo Wadamada yurub badankooda ay dagaal adag kula jiraan falalka la xiriira argigixisanimada kaasi oo mararka qaar dhaca.

Somaliska Oslo

Xigasho/NRK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here