Home News in English Qaxooti Xiran Katiinado Dahab ah iyo Kuwa sita Taleefano Qaali ah oo...

Qaxooti Xiran Katiinado Dahab ah iyo Kuwa sita Taleefano Qaali ah oo ku xayiran Bada Mediterranean-ka

1

Dhoor maalin waxaa bada u dhaxeysa Taliyaaniga iyo Liibiya ku xaniban Qaxooti Afrikan ah kuwaasi oo loo diiday galitaanka Dalka Taliyaaniga.

Diidmada Kadib waxaa dhacday Sheeko laga hadal hayo Caalamka kadib markii Aktarka Caanka ah ee Richard Gere uu Dowlada Italy ku eedeeyay in ay Qaxootigaasi Ay albaabada ka xirteen oo dalkooda u diideen.

Warbaahinta Caalamka ayaa soo bandhigay Sawiro uu Aktarkaasi la galay Qaxootigaasi uu kula kulmay Doonta korkeeda kuwaasi oo xiran Katiinado Dahab ah halka kuwa kale ay wateen taleefano Qaali ah.

Raisal Wasaare ku xigeenka Italy Matteo Salvini oo ka jawaabay Hadalka Richard ee Qaxootiga ayaa ku yiri ” Dadkaasi ku qaad diyaaradaada Qaaska oo geeso Hollywoodka”

Sidoo kale Matteo Salvini ayaa Talafashinka Rai Waxa uu u sheegay in Taliyaaniga uusan Aheyn Kaamka Qaaxotiga Yurub ee lagu hayo Qaxootiga.

Somaliska Roma

AD

1 COMMENT

  1. Maxaa weeye sababta aad u qarisaan muuqaalka oo aan loo weyneysiin karin muuqaalka?
    Tusaale ahaan hadda waxa aan aqriyey qormadaan ku saabsan ” Tahariibayaalka xiran alaabta qaaliga ah” sawirku waa uu muuqdaa marka hore laakiin aad ayuu u yaryahay. Markii qofku uu tuujiyo warka oo uu aqriyo ma uu helaayo sawirkii meel uu ka baxay. Haddii uu qofku toos u tuujiyo sawirkana ma uu soo baxaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here