Home Wararka Maanta in leesku furo internetka Gudahiisa oo Sweden lagu soo kordhinayo dhawaan

in leesku furo internetka Gudahiisa oo Sweden lagu soo kordhinayo dhawaan

1

Dad badan oo ku nool Gudaha Dalka Sweden ayaa ah kuwa nolo ka dhaxeyso isla markana qaarkood ay ku kala tagaan nolosha marka uu khilaaf yimaado waxana taasi ay keentaa in labada qof ay keenaan cadeymo muujinaya in ay kala tageen.

Dhawaan dowlada Sweden ayaa bilaabeysa barnaamij dhanka internetka ah oo qofka ugu sahlaya in uu iska furo Xaaskiisa ama naagta ay iskaga furto ninkeeda hadii ay labadooda diyaar u yihiin arinkaasi ama heshiis ku yihiin.

Wakaaladda maxkamadaha dalka Sweden ayaa dhowaan soo bandhigi doonta adeeg shaashadda internetka, halkaasi oo isaga diiwaan gelin doonaan lammaanihii doonaya iney gogoshooda kala qaataan ama is furaan, waa haddii ey labada qof heshiis ku yihiin kala tagga howl loogu sahlayo, sida ay sheegtay Lena Nilsson ahna madaxa laanta IT-ga ee wakaaladda maxkamadaha ee magaalada Jönköping oo la hadashey P4.

Lena Nilsson ayaa intaasi ku dartay in arinkan uu dad badan u fududeen karo go’anka ay doonayaan ee dhanka noloshooda ku aaddan.

Shaqadan Cusub ayaa ku soo aadeysa iyadoo Shacabka Sweden loo fududeeyay howlo badan oo markii hore dhibaato ku ahaa sida saxiixa shirkada wadanka.

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

  1. 4Sano ayaa aniga howshaani i qabsatey aniga iyo xaaskaygii markaas aan isqabney oo markaas furitaan iyadu dalbatey wayna u hirgashey marka sharcigaani waligiis ayuu ka shaqaynayay wadanka atleast 20sano oo u danbeyay nin iyo naag kii rabo ayaa dalban jirey iyadoo oo raali laga wada yahay marka wax cusub ma ahan tani bro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here