Home News in English Qaabka ugu fudud ee lagu Cusbooneysiin karo Sharciga kaa dhacay ee ku...

Qaabka ugu fudud ee lagu Cusbooneysiin karo Sharciga kaa dhacay ee ku meel gaarka

1

Waxaa lagu jiraa dhamaadka xiliga uu ku ekaa Sharciga ku meel kaarka kaasi oo dadka badankiisa la siiyay 3 sano sharci ah.

Sharciga ayaa loogu tala galay in Qofka dib loogu Cusbooneysiiyo hadii uu wali u baahan yahay Xaalad Difaac oo dhanka amaanka ah.

Sidee ugu fudud ayaa sharciga ku Cusbooneysiin karaa.

ugu horeen si Sharciga laguugo kordhiyo waa in aad Heshaa Warqad kaaga timaada laanta socdaalka Sweden ee Migrationsverket intaasi kadib ayaa codsan kartaa Sharciga hadii warqadaasi aadan helin waxba ma sameen kartit.

Marka aad hesho warqadaasi kadib waxaa booqaneysaa Boga Migrationsverket.se halkaasi oo aad kala soo baxeyso foomka codsiga sharci kordhinta.

Boga laanta socdaalka waxaa ku jira foomam kala duwan lakin qofka doonaya in loo kordhiyo Sharcigiisa waxa uu leeyahay Numberka 200011 isagoo ku qoraya qeybta raadinta ee kasoo baxeysa dhanka midig hadii aad heyso warqade kale waad ku lifaaqi kartaa adigoo kadib u diraya Ciwaanada ku qoran warqada hoosteeda ama waxaad geen kartaa laanta socdaalka ee magaalada aad joogto.

Sidoo kale Qofka doonaya in uu si toos ah u diro Codsiga waxaa u sahlan in uu buuxiyo foomka si toos ah kadibna uu toos u diro hadii aad heyso warqado cadeen ah gadaal ayaa ka diri kartaa hadii ku qoraya numberka 200011.

Wixii Macluumaad ah iyo Su’alo nasoo waydii

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here