Home News in English Migrationsverket oo soo saartay tirada Dadka helay Sharciga Deganaansha Rasmiga

Migrationsverket oo soo saartay tirada Dadka helay Sharciga Deganaansha Rasmiga

0

Hay’ada laanta Socdaalka Dalka Sweden ayaa soo saartay tirada Ajaanibta ku sugan Dalka kuwaasi oo la siiyay Degnaanshaha Rasmiga.

Ku dhawaad 11,000 kun oo Qaxooti ah ayaa helay Sharciga Deganaanshaha rasmiga waxana Qaxooti ka ah 1,000 qof halka tirada kale ku heleen Shaqo iyo Waxbarasho.

Tirakoobka Laanta Socdaalka ayaa lagu sheegay in 4,353 ay Deganaanshaha ku heleen qaab waxbarasho 3,999 qof oo ku helay Shaqo iyo 2001 qof oo ku helay mideenta Qoysaskooda.

Dhanka Qaxootiga iska dhiibay Dalka 1,030 Qof ayaa ka helay Sharciga Deganaansha Rasmiga sida ay sheegtay laanta Socdaalka waana bisha July oo kaliya.

Ugu danbeyn Hay’ada Laanta Socdaalka Sweden ayaa sheegtay in 14,965 kiis ay qaabileen Bisha July oo kaliya isla markana go’an laga gaarayo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Alkompis

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here