Home Wararka Maanta Sweden Xeer ilaaliye soo jeediyay in Lix bilood la xiro Fanaanka Asap...

Sweden Xeer ilaaliye soo jeediyay in Lix bilood la xiro Fanaanka Asap Rocky

0

Sadaxda qof ay ku socoto dacwadda Asap Rocky ayaa diyaar u ah haddii danbiga lagu helo iney gutaan u adeega bulsho ama samhällstjänst waxa loo yaqaano

Kadib markuu dhamaaday dhamaan wareysiga markhaatiyada maxkamadda ayaa Asap Rocky iyo labada qof ee kale ay dacwaddu la xiriirtay qareenadoodu weydiiyeen haddii ay diyaar u yihiin iney Sweden ku gutaan u adeeg bulsho haddii danbiga lagu helo.

Asap Rocky oo ka jawaabaya taa ayaa sheegay inuu diyaar u yahay gudashada ciqaabta u adeega bulshada.

– Waad garaneysaan adareeskeyga iyo kan qareenkeyga. Waxan qeyb ahaan ka shaqeeyaa howlo tabaruca markaa waxba kama qabo inaan u adeego bulshada wakhtiga wiigendhiga, ayuu yiri.

Xeer ilaaliyaha ayaa doonaya in lix bil xariga lagu xukumo ASAP Rocky.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here