Home News in English Hay’ada Socdaalka Sweden ee Migrationsverket oo soo saartay tirada Qaxootiga la filayo...

Hay’ada Socdaalka Sweden ee Migrationsverket oo soo saartay tirada Qaxootiga la filayo Sanadaha soo socda

0

Wakaaladda socdaalka ayaa hoos u dhigtay saadaalinteeda tirada qaxootiga ee la fileyo iney dalkan soo galaan sannadaha foodda inagu soo haya, sida ku cad saadaalin tirakoob oo ay saaka soo bandhigtay.

Tirada la fileyo iney sannadka magangelyo ka dalbadaand alka ayaan is bedel lagu sameeyn, waana mid gaarsiisan 21 000. Iyadoona wakaaladdu saadaalinta ay saaka soo bandhigtay ku sheegtay in la filyo dalka iney magangelyo doon ka dalbadan doonaan 21 000 sannadkii illaa iyo sannadka 2022.

Wakaaladda socdaalka ayaa sidoo kale saadaalineeysa in sannadkii ey go’aan ka gaari doonto dalabkooda magangelyo doon 37 000 oo qof, halka 15 000 oo ka mid ahi yihiin dalabaadka dheereeynta magangelyo doonka. Isku celcelin ayaa la fileyaa inay qaadan doonto 7 bilood muddada jawaab celin laga heleyo dalabka magangelyo doon 2019 iyo qiyaastii shan bilood sannadka 2020.

Wakaaladda socdaalka ayaa sidoo kale farta ku fiiqday inay xoogaa ka soo hagaagtay xaaladda ammaan ee dalka Suuriya, sidaa daraadeedna ey muwaadiniin ka tiro yar ee dalkaasi ka soo jeedaa magangelyo ku heli doonaan Sweden mustaqbalka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here