Home News in English Jasiirada Cyprus oo noqotay Wado Cusub oo Qaxootiga ku soo gaaraan Wadamada...

Jasiirada Cyprus oo noqotay Wado Cusub oo Qaxootiga ku soo gaaraan Wadamada Yurub

0

Jasiirada Cyprus ama Somalida u taqaano Qubrus una dhaxeysa Wadamada Turkiga iyo Gariiga ayaa noqotay wado Cusub oo Qaxootiga u soo maraan safarkooda Yurub iyagoo badankooda iska dhiibay halkaasi.

Tirada Qaxootiga iska dhiibtay Jasiiradaasi ayaa labo jibaarantay marka lala barbar dhigo Sanadkii 2017 xiligaasi oo 730 oo kaliya ay kasoo gudbeen dhanka turkiga iskana dhiibeen jasiiradaasi.

Tiro koob laga soo saaray Xafiiska tirakoobka midowga yurub ayaa lagu sheegay in bilowga Sanadka 2019 oo kaliya ay jasiiradaasi iska dhiibeen 3,000 kun oo Qaxooti ah kuwaasi oo gaaray jasiirada qeybta Dalka Gariiga.

dadka badankooda ayaa isticmaalay wadooyin halis ah si ay u soo gaaraan waxana badankooda kasoo gudbeen wadamada Lebnaan iyo Turkiga si ay u soo gaaraan jasiiradaasi oo yurub ka tirsan.

Dalka Suuriga ayaa noqday Qaxootiga ugu badan ee iska dhiibay Jasiirada oo Sharciga Deganaanshaha ku bixisa Sanad ama Lix bilood inta u dhaxeysa.

Sababta ugu weyn ee Qaxootiga iskaga dhiibeen Jasiirada ayaa lagu sheegay wadada loo maro Gariiga oo xirmatay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Alkompis

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here