Home Wararka Maanta Boris Johnson oo loo doortay Raisul wasaaraha Cusub ee Dalka Britain

Boris Johnson oo loo doortay Raisul wasaaraha Cusub ee Dalka Britain

0

Boris Johnson oo horey usoo noqday xogahayah arimada Dibadda Britain ayaa loo doortay in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalkaasi ee bedelaya Tharesa May oo xilkaasi ka dageysa.

Doorasho adag uu la galay Boris Johnson ninka la tartamayay ee Jeremy Hunt ayuu uga dambeyn kaga guuleestay, waxa uuna helay Boris codad gaaraya 92,153 halka Jeremy Hunt uu isna helay 46,656 cod.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee yeelaneyso dowlada Britain ayaa la filayaa in xilkaasi loo dhaariyo beri marka la horgeeyo Boqorada UK, waxa uuna siyaasigan intii uu olalaha ku jiray sameeyay balan qaadyo badan oo loo riyaaqay.

Tharesa May ayaa iska casishay xilka Ra’isul Wasaaraha dalka Britain kadib markii ay ku guul dareesatay balan qaadyo badan oo ay sameesay, waxaana hada isha lagu heyn doonaa isbadalka uu la yimaado Ra’isul Wasaaraha cusub ee talada dalkaasi la wareegaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here