Home Wararka Maanta Donald Trump oo Sweden ka Codsaday siideenta Fanaan u dhashay Dalka Mareykanka

Donald Trump oo Sweden ka Codsaday siideenta Fanaan u dhashay Dalka Mareykanka

0

Dhawaan dowlada Sweden gaar ahaan Booliska ayaa xiray Fanaan kasoo jeeda Dalka Mareykanka kaasi oo lagu magacaabo Asap Rockey.

Fanaankan ayaa lagu eedeeyay gabood falo ay ku jiraan kufsi waxana ku socda Baaritaan la xiriira Dambiga loo heesto iyadoo dowlada ay diiday in uu banaanka ku sugo inta uu kiiska socdo.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay Fariin uu ku sheegayo in Sweden ka dalbaday siideenta Fanaankaasi.

Raisul wasaaraha Dalka Sweden ayaa dhankiisa Xaqiijiyay in Trump uu kala soo xiriiray kiiska Fanaankaasi xiran lakin waxa uu sheegay in marna uusan dhinac dhaafi karin Sharciga Sweden.

Wasiirada Arimaha Dibada Sweden ayaa dhankeeda ka hadashey kiiska fanaanka waxayna sheegtay in Sharciga Sweden loo siman yahay isla markana laga warsugayo baaritaanka kiiska.

Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii Fanaaniin caan ah oo u dhashay Dalka Mareykanka ay Trump ku cadaadiyiin siideynta Fanaankaasi.

Somaliska Stokholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here