Home Wararka Maanta Sagaal Qof oo ku dhimatay Shil diyaaradeed ka dhacay Magaalada Umea

Sagaal Qof oo ku dhimatay Shil diyaaradeed ka dhacay Magaalada Umea

0

Saraakiisha dalka Sweden ayaa sheegay inay diyaaradaasi ay la socdeen rag ku takhasusay inay Diyaaradaha kaga soo boodaan Dallaayadaha ama Baarshuutka.

Diyaaradaasi ayaa burburtay wax  yar kadib, markii ay Garoon ku yaalla Jesiiradda Storsandskar oo u dhow Garoonka magaalladda Umea oo ku taalla Waqooyiga dalka.

Lama sheegin nooca Diyaaradda burburtay iyo waxa sababay shilkaasi.

Nin ka tirsan Kooxaha Gurmadka oo lagu magacaabo Koni Qafarfordodt oo la hadlay Wakaalladda Wararka Sweden ee TT ayaa sheegay inay Diyaaradda la socdeen dadka Baarshuutka kaga soo booda Diyaaradaha, isla markaana ay wax dhaceen, isla markii ay Diyaaradda ka hinqatay Garoonka.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Sweden inay qaar ka mid ah dadkii la socday la arkayey iyagoo Baarshuut kaga soo boodaya Diyaaradda, ka hor inta uusan shilku dhicin.

Somaliska Umea

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here