Home Wararka Maanta Degmada Uppsala oo lagu gubay 10 gaari iyo toogasho ka dhacday Magaalaa...

Degmada Uppsala oo lagu gubay 10 gaari iyo toogasho ka dhacday Magaalaa Gävle

0

Wararka laga helayo Magaalada Uppsala ayaa sheegaya in Halkaasi lagu gubay 10 Gaari kuwaasi oo dhamaantooda bur buray.

Falka ayaa ka dhacay Xaafada Löten ee Magaalada Uppsala waxana dabka damintiisa lagu guuleestay 03:00 am ee xalay.

Ma jirto cid loo qabtay Gawaarida la gubay waxana socda baaritaan la xiriirra dhacdadan sida uu sheegay Booliska.

Dhanka kale Toogasho ayaa ka dhacay Banaanka hore goob Maqaayad Biisaha waxaysa oo ku taalla Xaafada Byrnäs ee Magaalada Gävle.

Qof hubeysa ayaa rasaas ku furay dad goobta ku sugnaa waxana goobta gaaray Booliska Magaalada oo baritaan sameeyay.

Wareysi iyo baaritaan lagu sameeyay dadkii Goobjooga ahaa waxaa lagu guuleestay aqoonsiga ninkii weerarka ka danbeeyay kaasi oo saacado kadib la xiray ninkaasi ayaana da’diisa lagu sheegay 25 sano jir.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here