Home News in English Akhriso Isbadalka ku soo kordhay Sharciyada Ku meel gaarka ee keenista Qoysaska...

Akhriso Isbadalka ku soo kordhay Sharciyada Ku meel gaarka ee keenista Qoysaska iyo Xiliga uu bilaabanayo

0

20-ka bisha luulyo ayuu Sweden ka hir geli doonaa sharcigii ku meel gaarka soo galootiga oo laba sannadood lagu kordhiyey, midkaasina oo xubnaha baarlamanku aqlabiyad ugu codeeyeen 18-kii juun 2019.

-Isbedelka ugu wayn ayaa ah in lagu kordhiyey suurtagalka dalabka mideeynta qoysaska, sida uu sheegay Carl Bexelius, ahna ku simaha waaxda shuruucda ee wakaaladda socdaalka – Migrationsverket.

Xeerkii ku meel gaarka ee hirgaley 2016 ayaa marka laga reebo dadyoowga deggenaanshaha ku heley qaxootinimada dhabta ah, ey intii kaloo dhan ee asbaabo kale lagu siiyey sharci deggenaansho oo ku meel gaar ah, aaney suurtagal u aheyn dalabaadka iney qoysaskooda kula midoobaan dalkan, hase yeeshee iminka uu xeerkan cusubi wax ka bedeley, inkastoo ey shuruudana ku xiran yihiin, sida uu sheegay Carl Bexelius.

-Haddii muddo saddex bilood gudahood (20-ka luulyo – 20-ka sebteembar) kolka uu hirgalo sharcigan ku meel gaarka uu qofku dalabkiisa ku gaarsiiyo wakaaladda socdaalka mideeynta qoyskiisa, waxaa laga qaadeyaa shuruuddii ahayd inuu haysto mushaar iyo guri ku filan, sida uu sheegay. Hase yeeshee saddex bilood dabadeed lagu xiri doono shuruudahaa.

Intaa waxaa dheer in marka hore wakaaladda socdaalku go’aan ka gaadho in qofka dalabka soo gudbiyey ee haysta deggenaanshaha ku meel gaarka ah marka hore go’aan laga gaaro inuu mustaqbalka heli doono sharci deggenaansho oo  joogto ah iyo in kale, oo markaa dabadeed la eegi doono codsigiisii mideeynta qoyska, sida uu sheegay Carl Bexelius, ku simaha laanta shuruucda ee wakaaladda socdaalka.

-Sababo cadcad oo muuqda oo qofku ku heli doono deggenaansho joogto ah, waana arrin adag fahankiisa. Waxay ka dhigan tahay in go’aan laga gaaro sida sababihii uu qofkani isku dhiibey markii uu dalka soo galey ey horseedi karaan inuu deggenaansho joogto ah ku heli karo mustaqbalka, sida uu hadalka u dhigay. Isagoo hadalkiisii sii watana sheegay, in badankood sidaasi u muuqdaan in deggenaansho joogto mustaqbalka lagu helo. Halkii la iska weydiin lahaa, ma ku heli doonaan deggenaansho joogto ah, waxay tahay in la is weeydiiyo maxaa hortaagan ama is bedeley iney ku helaan, sida uu sheegay Carl Bexelius, ku simaha laanta shuruucda ww wakaaladda socdaalka.

18-kii juun 2019 ayuu baarlamanku aqabiyad ugu coddeeyay in laba sannadood lagu kordhiyo xeerka ku meelgaarka ee socdaalka, iyadoona qaybo ka mid ah wax laga bedeley, sida mideeynta qooyska, hase yeeshee dhanka kale shuruudo lagu xirey.

xeerka ku meel gaarka socdaalka wuxuu markiisii hore bilowdey kuleeylihii sannadkii 2016. Wuxuuna qabaneyaa dhammaan dadkii magangelyada dalkan ka dalbaday laga soo bilaabo 25-kii nofeembar 2015 iyo wixii ka dambeeyey. Halka dhammaan ciddii magangelyo ka dalbatay Sweden wixii ka horreeyey (24-kii nofeembar 2015 iyo ka hor) uu qabanayo xeerka lagu magacaabo “utlänningslagen – xeerka ajaaniibta”, ee aanu qabaneyn sharciga ku meelgaarka ee iminka labada sannadood lagu darey.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here