Home News in English Madaxii iyo Maamulka Iskuulada Al-Azhar oo lagu xukumay Afar Sano iyo bar...

Madaxii iyo Maamulka Iskuulada Al-Azhar oo lagu xukumay Afar Sano iyo bar Xabsi Ah

0

Afar ka mid ah xubnihii hore ee ururka samafalka iskuullada Al-Azhar oo lagu ridey xukun la xiriira dembi culus ee dhaqaale. Halka aasaasihii ururka lagu xukumey 4 sannadood iyo 6 bilood oo xarig ah.

Hoggaankii hore ee ururka samafalka shirkadda iskuullada ayaa lagu tuhunsanaa  inuu 11 malyan oo koron ka qaaday khasnadda ururka, middaasina oo looga dan lahaa qorshe bangi lagu furo.

Iyadoona aasaasihii lagu ridey xukun gaarsiisan afar sannadood iyo bar xarig ah markii lagu soo eedeeyey khiyaano culus oo loo geeystay masuulka, dembi culus  ee xisaab xir iyo sidoo kale dembi culus oo ah caddeeyn lacag madow.

Sidoo kale waxaa laba sannadood iyo afar bilood oo xabsi ah lagu xukumey laba qof, halka mid saddexaadna lagu ridey xukun ah laba sannadood iyo laba bilood oo xarig ah. Kuwaasina oo lagu eedeeyey waxyaabo ey ka mid yihiin dembi culus oo la xiriira qarinta dembiile.

”Mashruuca in la furo bangi islaami ah oo u baahan maal gelin gaareeysa 100-150 malyan oo koron ayaa socon waayey kolkii ey bangiyada dalku ka gaabsadeen iney gacan ka geeystaan sidii dhaqaale laga keeni lahaa bariga dhexe Sweden loo soo gaarsiin lahaa. Waxayna ahayd tallaabo khaldan inuu urur samafal oo ku howlgala iskuullo oo sidiisaba gacan ku yeesho mashruuc bangi, iyadoona dhaqaalihii laga saaray uu waxyeeleeyey ururka, sida ay sheegtay garsoorihii maxkamadda Caroline Hedvall, oo go’aanka maxkamadda ka faallootay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here