Home News in English Xisbiyada Barlamaanka Sweden ku jira oo isku raacsan Adkeenta Caruurta Dibada loo...

Xisbiyada Barlamaanka Sweden ku jira oo isku raacsan Adkeenta Caruurta Dibada loo kaxeeyo

0

Inta badan xildhibaanada baarlamanka dalka ayaa doonaya in lagu adkeeyo caruurta da’dooda ay ka yartahay 18 sano ee dibbadaha loo kaxeeyo si loogu soo guuriyo ama loo soo gudo.

-Waa ayaan daro, waxaan heleynaa warbixinno dheeri ah, kuwaa oo sheegaya in caruur badan loo safriyo dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka ay asal ahan ka soo jeedaan si loo soo gudo, mana u baahno caruurtaasi in ay ka qeyb noqdaan arinkaa, sidaasina waxaa yiri Johan Forssell oo ah afahayeenka xisbiga Moderaterna ee dhanka shuruucda.

Baaritaan dowladeed, ayaa lagu xaqiijiyay falkaasi, ayadoona la isku wada afgartay inuu falkaasi uu ku mudan karo qofkii sameeya ciqaab sida uu qabo xisbiga SD oo qeyb ka ah soo jeedintaasi.

Dhanka kale, soo jeedintaan ayaa taageero buuxda ka heysato xildhibaanda ku jira ururada Moderaterna, Sverigedemokraterna, Centerpartiet, Kristdemokraterna iyo Liberalerna halka xisbiga vänsterpartiet uu maya ka taagan yahay arinkaasi.

-Waxaan u baahanahay inaan ilaalino caruurta ilaalin buuxda, waana kuwaan qaar ka mid ah sidaasina, sida ay sheegtay Juno Blom oo xisbiga Liberalerna u metesha guddi hoosaadka baarlamanka ee garsoorka.

Su’aasha la xiriirta in safarro la iska mamnuuco ayaan ahayn mid sahlan sida uu sheegay garsoorka sare oo ka jawaab celiyey qoraalkii dawladda ee xeerkan, isagoona sheegay in loo baahan yahay asbaabo adadag sidii loo xadidi lahaa xoriyadda shakhsiga u dalka kaga bixi karo, middaasina oo dastuurka dalku u ogolaaneyo. Garsoorka sare ayaa soo jeediyay in si feejigan looga soo baaraan dego saameeynta uu sharcigani yeelan karo hirgelintiisa.

Wasiirka cadaaladda Morgan Johansson ayaa isna dhankiisa sheegay in soojeedinta ay haatan faraha ku hayaan howlwadeenno ka howlgala madaxtooyada.

-Rajadeena ayaa ah adkeynta sidii uu ku meel mari lahaa sharcigaas si aan uga hortagno tacadiyada iyo dhibaatooyinka dhallaanka loo geeysto.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here