Home News in English Cilmi baaris Dadka Ajaanibta oo ka Caafimaad Badan Bulshada Swedhishka ah

Cilmi baaris Dadka Ajaanibta oo ka Caafimaad Badan Bulshada Swedhishka ah

0

Ajaaniibta dalka yimaada sida qaxootiga iyo shaqa raadiska ayaa inta badan la aaminsan yahay iney ku jiraan xaalad liidata, gaar ahaan kolka ey dalka ku cusub yihiin, hase yeeshee baaris ay hadda caafimaadka bulshadu soo bandhigtay ku caddaatay in ajaaniibtu guud ahaan ka ciifimaad wanaagsan yihiin marka loo barbar dhigo bulshada ey dalka ugu yimaadaan.

-Natoojooyinkii ka soo baxay cilmi baarista ayay inooga muuqatay in guud ahaan ajaaniibtu kolka ey dalka yimaadaan ey ka caafimaad wanaagsan yihiin iswiidhishka, sida ay sheegtay Nina Lindqvist, ahna madax waaxeed ka howlgasha hayadda caafimaadka bulshada, Hase yeeshee uu isbedel ku dhaco xaaladdaa kolka ey dalka sanooyin dhowr ah, illaa iyo shan sannadood ey ku sugan yihiin.

-Laakiin waxaa noo muuqda iney sannooyin dabadood xaaladdooda caafimaad wax iska bedelaan oo ey haleelaan cudurrada macaanka, dhiig karka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca. Kuwaasina oo ey sabab u yihiin hab-nolol wanaagga dalka, sida ay sheegtay Nina Lindqvist.

Warbixinta ay soo saartay hayadda caafimaadka bulshada (folkhälsomyndigheten) waxaa si guud la isugu barbar dhigey caafimaadkii guud ee ajaaniibta dalka ku cusbaa intii u dexeeysay sannadihii1990-meeyadii illaa iyo sannadkii 2014 iyo is bedelka ku dhacay caafimaadkooda muddo shan sano ah dabadood, middaasina oo loo barbar dhigey bulshada dalka ku dhaqan. Hase yeeshee aaney qayb ka ahayn qaxootigii faraha badnaa ee dalka soo galey sannadihii 2015-2016.

Si haddaba loo hakiyo is bedelka ku dhaca caafimaadka ajaaniibta kolka ey dalka muddo dhowr sannadood ah ku sugnaadaan waxay hayadda caafimaadka bulshadu soo jeedisay talooyin loo baahan yahay in la qaado horraantaba kolka ey dalka yimaadaan oo ey ka mid yihiin: Marka koowaad kontrool caafimaadkooda la xiriira iyo sidii loogu sii gudbin lahaa nidaamka caafimaadka dalka, in la hor mariyo aqoon kororsiga, gaar ahaan dhanka caafimaadka ee degmooyinku siiyaan ajaaniibta kolka ey dalka ku cusub yihiin, waxa loo yaqaanno – Samhällsorientering (ku dhex mushaaxa bulshada). Howlahaasoo dhami waa kuwo salka ku haya sidii bulshada loo dhex geli lahaa ama loo fahmi lahaa, sida ay sheegtay Nina Lindqvist oo ka howlgasha hayadda caafimaadka bulshada.

Henrik Nilsson, wuxuu kobciye ka yahay mashruuc loogu magac darey NAD, ahna mashruuc loogu talo galey dardar gelinta isku xirka ururrada iyo qaxootiga dalka ku cusub sidii ey qeyb uga noqon lahaayeen. Isagoona sheegay in howlaha ey qabtaan ey ka mid yihiin sidii wax looga qaban lahaa daryeelka caafimaad ee ajaaniibta dalka ku cusub.

-Waxaa jira cilmibaarisyo iyo tallaabooyin la tijaabiyey ee muujineya in dadka dalka ku cusub iyo kuwii weligoodba deggenaa uu caafimaadkoodu adkaaneyo haddii ey ka qayb qaataan howlaha ururrada ee dhaqdhaqaaqa oogada, sida uu sheegay. Isagoo hadalkiisii sii watana ku daray in waayoaragnimada iyo cilmi baaristaba lagu ogaa kontonkii sannadood ee ugu dambeeyay in ka qayb galka howlaha dhaqdhaqaaqyada ururrada iyo bulshada lala dhaqan yahay oo la dhex galaaba kor u qaadeyaan caafimaadka qofka. Hase yeeshee aanay intaa oo keliya ku filleeyn balse loo baahan yahay in qaybaha kale ee noloshuna habsami loola  qabsado, isla markaana taageero buuxda looga helo adeegyada daryeelka caafimaad iyo guud ahaan heyadaha dawliga kolka loo baahdo, sida uu sheegay Henrik Nilsson.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here