Home Wararka Maanta Booliska Sweden oo ka Cabanaya Aamusnaanta Shacabka Marka uu Fal dhaco

Booliska Sweden oo ka Cabanaya Aamusnaanta Shacabka Marka uu Fal dhaco

0

Dadka dembiyada loo geeysto, dembiilayaasha iyo markhaatiga ayaa ka gaabsada in ay ka jawaabaan su´aalaha kolka uu boliisku ku howl jiro dembibaaris. Waa sida ay sheegayso warbixin ay soo bandhigtay laanta wararka Ekot.

Qareeno ay Ekot la hadashay ayaa cadeeyay in ay la qeeybsanayaan sawirka boliiska xaafadaha laga heysto. In aamuusnaan iyo xabsi la dhaafsiisto su´aalaha boliiska.

Sidoo kale ayaa baadhitaanka Ekot ay sameeysay tusayaa in jawaabta”ma garanayoo” ”maclumaad kama dhiibi karo taas” yihiin jawaabaha ugu badan oo ay qareenadu la kulmaan marka ay dembiyadan baadhayaan.

Medhi Adnan Mossa ayaa muddo 15 sanno ah ka mid ahaa kooxaha dembiileyaasha, laakiin muddo ka maqnaa. Sidan ayuu sheegay.

-Waa laba mid. Kow badanka dadka xaafadahan ku nooli waa ajaaniib, waxaa laga yaabaa in ay markii ay wadamadooda joogeen xumaani ka soo martay dhanka boliiska amba heeyadaha dawliga ah. Ta labaad ayaa ah in togaashooyinki ku soo bateen xaafadahan, islamarkaasna uu boliisku la raago baadhitaannada, taasina waxeey keenaysa in badanka kiisaskan aan la xallin. Arrinkani waa mid ey la socdaan dembiilayaashu. Marka ay u hanjabaan shacabka cid ku dhacda in ay boliiska la hadasho ma jirto, ayuu yidhi Medhi Adnan Mossa.

Mats Lindström ayaaa ah boliis ka shaqeeya xaafadaha Järva ee magaalada Stockholm. Wuxuu sheegay in uu xiitaa arkay dad diyaar u ah in ay xabsiga galaan si aaney uga jawaabin su’aalha boliiska.

-Waan aragnay dad xabsi dhaafsanaya in ay la hadlaan boliiska, ayuu sheegay Mats Lindström boliiska xaaafadaha Järva ee Stockholm.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here