Home Wararka Maanta Xisbiga AP ” Dhaqaalaha halaga joojiyo Masaasjidka aan Haweenka ka dhigin Boqolkiiba...

Xisbiga AP ” Dhaqaalaha halaga joojiyo Masaasjidka aan Haweenka ka dhigin Boqolkiiba 40% Maamulka”

0

Xisbiga AP ee Dalka Norway ayaa soo jeediyay in Lacagta Dhaqaalaha laga joojiyo Masaajidka aan Maamulkiisa ka dhigin Haween Boqolkiiba 40%.

Raymond Johanson oo ka tirsan Xisbiga AP isla markana ah Gudoomiyaha Gudiga Maamulka Caasimada Oslo ayaa Dowlada ugu baaqay in ay lacagta ka jarto Masaajidka aan sidaasi sameenin.

Raymond ayaa jawaab u ah baaritaan uu dhawaan soo bandhigay Talafashinka NRK kaasi oo ku aadan kaalinta Dumarka kaga jiraan Gudiga iyo Maamulka Masaajidyada Norway.

Warbixinta NRK ayaana lagu sheegay in Maamulka Masaajiyada ay yihiin Boqolkiiba 70% Rag halka Haweenka ay yihiin Boqolkiiba 8% oo kaliya.

Xisbiga AP ayaa dhoor jeer soo jeediyay hadalo ka hor imaanayo islaamka ku nool Dalka Norway taasi oo xisbiyada kale ee Dalka ka falceliyeen iyo Muslimiinta Norway.

Somaliska Oslo

Xigasho/NRK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here