Home Wararka Maanta Daraasad Ajaanibta Sweden oo ku adagtahay Helitaanka Shaqooyinka Dalka

Daraasad Ajaanibta Sweden oo ku adagtahay Helitaanka Shaqooyinka Dalka

0

Daraasaad cilmi baaris ah oo soo gaartay Ekot ayay ku caddahay in ajnabiga ku dhaqan Sweden ay kaga adag tahay gelitaanka suuqa shaqada marka la barbar dhigo wadamada kale ee dariska la ah ee ”norden”.

Lars Calmfors, barafasoor ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, waa madaxa qoraayada warbixinta cilmi-baarista.

– Caqabadaha suuqa shaqada Sweden ee hor yaala ajnabiga wey ka badan yihiin  kuwa ay la kulmaan ajnabiga ku dhaqan waddammada dhaca Norden, ayuu yiri Lars Calmfors.

Farqiga shaqada ee u dhaxeeya dadka ka yimid dalka dibadiisa iyo kuwa ku dhashay Sweden ayaa aad u kala sarreeya marka loo eego farqiga ka jira wadamada deriska la ah Sweden. Waxaa ku nool Sweden ajnabiga ugu tirada badan ee ka yimid wadamo ka baxsan Yurub iyadoona ay cilmi-baaristan ku caddaatay in ajnabiga aqoontoodu hooseyso ay ku adag tahay iney shaqo ka helaan Sweden marka loo eego Finland, Noorwey iyo Danmark.

Lars Calmfors, barafasoor cilmiga dhaqaalaha ayaa u arka in xalku ku jiro iyadoo hoos loo dhigo mushaarka ugu hooseeyo ee la bixiyo in kastoo arrintani tahay mid la isku khilaafi karo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here