Home News in English Xisbiyada Sweden oo ku kala qeybsan Qaabilaada Qaxootiga soo galaya Midowga Yurub

Xisbiyada Sweden oo ku kala qeybsan Qaabilaada Qaxootiga soo galaya Midowga Yurub

0

ku dhawaad sadax sano guud ahaan wadamada Xubinta ka ah Midowga Yurub ayaa wada dadaal ay ku doonayaan sidii looga heshiin lahaa tirada Qaxootiga uu qaabilayo wadan walbo oo ka tirsan EU.

Wadamada Qaar ee Midowga Yurub ayaa diiday in Midowga Yurub uu go’aamiyo tirada Qaxootiga ay qaabilayaan iyagoo doonaya in ay qaabilaan tirada markaasi ay doonayaan.

Dalka Sweden Xisbiyada ayaa ku kala qeybsan fakarkaasi xisbiyada kala ah Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet ayaa doonaya in tiran siman ay qaataan guud ahaan Wadamada Yurub iyagoo intaasi ku daray in lacag yar la siiyo wadanka kasoo horjeesta arinkaasi.

Liberalerna, Centerpartiet, Kristdemokraterna iyo Feministiskt initiativ ayaa ka fakaraya go’an lamid ah Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet.

Xisbiga M ayaa aaminsan in Qaxooti walbo uu jawaabtiisa ku sugu wadanka lagu qabto ee ka tirsan Midowga Yurub Xisbigag Cunsuriga ee SD ayaa dhankiisa doonaya in Qaxootiga la geeyo meel ka baxsan Midowga Yurub halkaasi oo loogu soo dhameenayo dacwadiisa marka uu helo ogolaansha uu yimaado Yurub.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here