Home Wararka Maanta Erik Ullenhag oo isku soo sharaxaya Xilka Gudoomiyaha Xisbiga Liberaterna

Erik Ullenhag oo isku soo sharaxaya Xilka Gudoomiyaha Xisbiga Liberaterna

0

Waxa soo adkaanaya halganka cidda hogaamin laheyd xisibga Liberalerna. Ekot ayaa maanta soo gudbisey inuu wasiirkii hore ee is dhexgalka Erik Ullenhag, kaasoo imminka ah safiirka Sweden ee Urdun, isu soo taagayo xilka hogaaminta xisbiga.

Ilo dhowra oo ku dhow Erik Ullenhag ayaa sheegay inuu isagu go’aanka musharaxnimo gaaray kadib markuu ka baaraan degay mudo dheer. Wuxuu doonayaa inuu xilka isu soo sharaxo balse soo shaac bixinta arrintaa u kaadiyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada baarlamanka EU-da si aanu u carqaladeyn ololaha doorashada, sida ay iluhu sheegeen.

Illaa iyo imminka hal musharax oo kaliya ayaa soo bandhigtey iney dooneyso xilkaa waana Nyamko Sabuni, wasiirkii hore ee isdhexgalka.

Ekot ayaa isku dayday iney Erik Ullenhag wax ka weydiiso xilka la sheegay inuu doonayo inuu isu soo sharaxo balse ku guul dareysatay.

Tomas Ramberg oo laanta wararka ekot uga faallooda siyaasadda arrimmaha gudaha ayaa sheegay in arrin baryahan la rogrogayey iney dhaboowday.

– Arrintan ayaa sidoo kale micnaheedu yahay in musharaxa Nyamko Sabuni oo iilaa iyo imminka kaligeed sharaxneyd ay la kulmi doono siyaasi adag oo la tartama. Sabuni ayaa baryahaan guul ku gaartay ololaha ay ka waday warbaahinta, ayuu yiri Tomas Ramberg.

Gudoomiyaha xisbiga Liberalerna Jan Björklund ayaa xilka baneeyn doono iyadoo musharixiintu heystaan illaa iyo 18 juun. Kadibna toban maalmood kadib la dooran doono gudoomiyaha cusub ee xisbiga Liberalerna.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here