Home Wararka Maanta Xisbiyo badan oo taageeray in Annika Strandhäll lagala noqdo kalsoonida Barlamaanka

Xisbiyo badan oo taageeray in Annika Strandhäll lagala noqdo kalsoonida Barlamaanka

0

dhoor xisbi oo ka tirsan Barlamaanka Dalka Sweden ayaa ku dhawaaqay in ay kalsoonida kala noqdeen Annika Strandhäll oo kamid ah wasiirada Dalka Sweden kana tirsan Xisbiga Socialdemokraterna.

Xisbiga Moderaterna ayaa ugu horeeyay waxana ku xigsaday Kristdemokraterna
iyo Sverigedemokraterna lakin hada waxaa ku biiray Liberalerna kuwaasi oo dhamantood isku raacay in xilka laga qaado Annika Strandhäll.

Sida uu sheegay Hogamiyaha Xisbiga  L Jan Björklund Wasiirada ayaa lagu heesta shaqo ka ceerinta agaasimaha laanta ceymiska Ann-Marie Begle kaasi oo shaqadiisa waayay xiliga doorashada dalka sweden.

Annika Strandhäll oo xiligaasi aheyd wasiirada ka tirsan Dowlada ayaa shaqo ka ceerintiisa u isticmaashay dhanka doorashada sida uu sheegay Jan oo intaasi ku daray in deg deg kalsoonida looga ceshto.

hadii isbadal dhicin waxaa la filayaa in bishan may 28/keeda ay dhacdo codka kalsoonida hase yeeshee Raisal wasaaraha Dalka Stefan ayaa xisbiyada u sheegay in aan laga hordhicin baaritaanka socda.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here