Home News in English Dowlada Sweden oo go’an kale kasoo saartay Xaduudaha laga Xiray Qaxootiga

Dowlada Sweden oo go’an kale kasoo saartay Xaduudaha laga Xiray Qaxootiga

0

Dowlada Sweden ayaa sanadkii 2015 xirtay xaduuda ay la wadaagto wadamada kale ee Yurub kadib markii Qaxooti badan kasoo gudbeen kuwaasi oo iska dhiibay Dalka Sweden.

tan iyo Sanadkaasi waxaa Xaduudaha Sweden la dhigay Boolis badan kuwaasi oo aqoonsiga waydiinaya dadka soo galaya gudaha Wadanka Sweden.

Dowlada oo laga sugayay in ay joojiso Sharcigasi ayaa go’an hada kasoo baxay ku sheegtay in uu sii soconayo xirnaashaha xaduudaha Sweden sida uu sheegay wasiir Mikael Damberg.

Dowlada ayaa intaasi ku dartay in hada uusan jirin Qaxooti badan oo soo gala dalka lakin xirnaanshaha ay faa’ido u tahay dhinacyo kale oo amaanka ah.

”Waxaan ku joojinay dambiyo badan booliska waxa uu si fudud ku helay kooxaha dambiyada geesta ee ku kala safra wadamada aan xaduuda la leenahay” ayuu yiri Mikael Damberg

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here