Home Wararka Maanta Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo 667 Qof ka dalbaday dib u soo...

Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo 667 Qof ka dalbaday dib u soo celinta Lacagta caawinta ee la siiyay

0

Xafiiska Shaqada ee arbetsförmedlingen ayaa lacag caawin ah waxa uu siiyaa dadka shaqo la’anta ah ee Shaqooyinta raadiya kuwaasi oo lacagta loo soo mariyo Försäkringskassan.

Sida uu baahiyay Talafashinka Dowlada ee SVT ku dhawaad 667 qof ayaa helay lacag caawin oo qalad ah lacagta ayaana qayaas ahaan u dhaxeysa 4 ilaa 10 milyan oo kron.

sida xogta muujineyso cilada dhibaatadaasi ayaa ka timid qaabka casriga uu isticmaalo xafiiska shaqada tan iyo sanadkii 2015 ee loo isticmaalo go’anada dadka ka tirsan xafiiska shaqada ee raadiya shaqooyinka.

dadka ka helay Xafiiska Shaqada caawintaasi qaladka ayaa hada laga doonayaa in ay dib u soo celiyaan lacagaha ay qaateen sida uu warbixintiisa ku sheegay TV-ga SVT.

sida warbixinta muujineyso ku dhawaad 38,000 kun oo go’ano qalad ah ayaa dib loo saxay sanadihii u danbeeyay waxana qeyb ka ahaa dadkasi oo badankooda cadeeyay qaladka dhacay isla markana qirtay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here