Home Wararka Maanta Baraf iyo Qabow dib ugu soo laabtay qeybo kamid ah Gobolada Sweden

Baraf iyo Qabow dib ugu soo laabtay qeybo kamid ah Gobolada Sweden

0

Xili uu bilowday Waqtiga Kuleelaha ayaa wararka laga helayo Kamuunka Kalmar waxay sheegayaan in halkaasi uu dib ugu soo laabtay Barafka Xiliga Qaboobaha.

Magaalada Kalmar ayaa kamid ah meelaha Saaka oo Sabti ah ay dadka ku soo tooseen Baraf badan oo Xalay da’ay waxana ay arintaasi ay keentay in dadka Banaanka u soo bixin.

Goolaha kale ee Baraka ka da’ay waxaa kakid ah Oskarshamn, PÃ¥skallavik, Berga, MönsterÃ¥s iyo Virserum sidoo kale Wadada 47 ee u dhaxeysa MÃ¥lilla iyo Järnforsen waxaa ka dhacay dhoor shil oo sabab u aheyd silbashada wadada.

Hay’ada dhanka Cimilada u qaabilsan Sweden SMHI ayaa digniin kasoo saartay Barafkaasi oo la filayo in uu socdo ilaa maanta Galinka danbe sida saadaasha tilmaameyso.

Caasimada Stockholm iyo Deegaanada kale ee Dalka waxaa laga dareemayaa Qabow dib u soo laabtay iyo Cimilo Xun.

Somaliska Stockholm

Xigasho/24kalmar

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here