Home Wararka Maanta Degmada Ystad Xukun lagu riday 90 Sano jir dilay Xaaskiisa kadib markii...

Degmada Ystad Xukun lagu riday 90 Sano jir dilay Xaaskiisa kadib markii ay ku heshiiyeen

0

Oday sagaashan jir ah ayaa maxkamad lagu soo taagey dembiga dil oo lagu xukumey xabsi sannad ah.

Odayga ayaa qirtay inuu ka dambeeyay dilkii xaaskiis oo 84 jir ahayd oo ka codsatay inuu ka caawiyo inay dhimato.

Maxkamadda degmada Ystad ayaa go’aankeeda ku macneeysay in dembiga laga khafiifiyey maadaama ay islaantu ka cotsatay inuu qudha ka jaro.

90-jirka ayaa falka uu galay ku macneeyay iney ku heshiiyeen labadooduba iney mar is wada dilaan, hase yeeshee uu ku dhiiran waayay isagu inuu is dilo, waana sababta xukunka looga khafiifiyey oo loogu xukumey dil aan qorsheeysnayn.

– Wuxuu ahaa xukun la filayey. Dhanka kale way adag tahay in la qiyaaso xukunka saxda ahaan lahaa, sida uu sheegay xeer ilaaliye Mathias Larsson.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here