Home Wararka Maanta Sharci Cusub Waa Mumnuuc in aad kaxeyso Gaari ku shaqeeya bensin ama...

Sharci Cusub Waa Mumnuuc in aad kaxeyso Gaari ku shaqeeya bensin ama diesel hadii sanadahan uu ka ween yahay

1

Gudiga Gadiidka Caasimada Stockholm oo kulmay ayaa go’an mamnuucid ah kasoo saaray gawaarida ku shaqeeya diesel ee isticmaalaha wadada Hornsgatan ee gawarida aad u isticmaasho.

kulan qaas ah oo gudiga ay yeesheen shalay ayuu ku soo saaray in Gawaarida ka weyn 11 sano isla markana isticmaala Bensin ama Diesel laga mamnuucay wadadaasi iyadoo loo eego dhanka milyooga ama deegaanka.

Daniel Hilde oo ka tirsan siyaasi Xisbiga Deegaanka ayaa sheegay in go’anka uu yahay mid lama huraan ah madama wadada Hornsgatan ay tahay wadada ugu gawaarida badan stockholm isla markana Qiiqa gawaarida ay saameyn Caafimaad ku yeelaneyso dadka ku nool halkaasi.

Sharciga Cusub ayaa bilaabanaya bisha February ee Sanadka 2020 sida uu sheegay gudiga Gadiidka Stockholm.

Somaliska Stocholm

Xigasho/TT

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here