Home News in English Maxkamada ugu sareysa Taliyaaniga oo soo saartay Sharci lagu maareenayo Qaxootiga

Maxkamada ugu sareysa Taliyaaniga oo soo saartay Sharci lagu maareenayo Qaxootiga

0

Maxkamadda sare ee Talyaaniga ayaa fartay in baaris tifaftiran lagu sameeyo kiisaska qaxootiga iyo soo galootiga waxa soo gaari kara haddii dalkoodii lagu celiyo ka hor inta aan kiiskooda go’aan laga gaarin.

Garsoorayaasha gacanta ku haya kiisaska magangelyo doonayaasha ayaa sida ku cad amarkan cusub waxaa la siiyey awood buuxda oo ay ku baari karaan halista kasoo wajahi karta qaxootiga dalkoodii hooyo, iyadoo markaas kadina ay ku saleynayaan go’aankooda arrintaas, sida ay tabisay warbaahinta dalkaasi.

Waxaa saaran inay helaan sida xaaladu tahay si ay taasi wadada ugu xaarto go’aanka ay ka gaarayaan kiisaska ayey maxkamaddu warkeeda ku sii dartay.

Dowladda Talyaaniga ayaa bishii sitembar go’aamisay sharci ka dhan ah soo galootiga. Sharcigan ayaa sidoo kale fududaynaya in qaxootiga dalka laga saari karo lagana ceshan karo dhalashada dalkaas.

Somaliska Roma

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here