Home Wararka Maanta Imisa Maalin ayaa ka hartay Xiliga ay dhaceyso Doorashada Barlamaanka Midowga Yurub...

Imisa Maalin ayaa ka hartay Xiliga ay dhaceyso Doorashada Barlamaanka Midowga Yurub (EU)

0

Muddo iminka bil ay ka harsan tahay ayay dhici doontaa doorashadii xubnaha baarlamanka ee waddammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub (EU).

Iyadoona qaar badan oo ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashadaa ey ku meteleyaan doorasho qiime ballaaran ugu fadhida mustaqbalka Yurub.

Labada su’aalood oo inta badan miiska la soo saaro kolka doorashada EU laga hadleyo ayaa ah cimilada iyo kor u kaca taageerada xisbiyada ay siyaasaddoodu ku saleeysan tahay mabaadiida fudfudud ee dhegaha dadku dooneyaan iney maqlaan, populism, waxa loo yaqaanno.

Malin Björk oo xisbiga Vänsterpartiey ugu taagan musharrixiinta baarlamanka EU ayaa ka mid ah siyaasiyiinta arrimmahaa ka dhawaajiya.

– Waxaa noo yaala howlo sidii cimilada wax looga qaban lahaa oo deg degsiinyo u baahan, wakhtiga aannu heeysannaa waa 10 illaa iyo 12 sannadood oo keliya. Sidoo kale waxaannu aragnaa iney kor u sii kaceeyso taageerada xisbiyada xagjirka  midigta fog ee waddammada Yurub, kuwaasina oo iminka isku dayeya sidii ey awoodda EU gacanta ugu dhigi lahaayeen. Waxaan oran lahaa inay doorashadani tahay mid aad qiime ugu fadhida, sida ay sheegtay mar uu wareeysi la yeeshay Andreas Liljeheden oo Ekot uga soo warrama arrimmaha EU-da.

Frederick Federley oo xisbiga Centerpartiet ugu sharraxan doorashada baarlamanka EU-da wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay xaaladda cimilada iyo ka hor imaadka xisbiyada ku saleeysan nashinaaliismada.

– Midda kale waxay tahay dagaalka ballaaran ee looga hortageyo xagjirrada bidixda iyo sidoo kale midigta oo isu kaashaneya sidii ey carro ugu shubi lahaayeenka mashiinka hormarka.

Asxaabta midigta fog iyo kuwa ka soo horjeeda mabaadiida ururka EU ayey taageeradoodu kor u sii kaceeysaa doorashadan oo haddii ey ku guuleeystaan iney baarlamanka ka dhex dhisaan garab ey ku mideeysan yihiin noqon doona awood saameeyn ku leh howlaha baarlamanka EU ee lagu xisaabtamo.

Xisbiyada ku bahoobey garabyada ee illaa hadda saameeynta ugu ballaaran ku lahaa hoowlaha baarlamanka,  garabka EFP (asal raaca iyo Kristdemokraterna) oo ey xubno ka yihiin xisbiyada iswiidhishka ee Moderaterna iyo KD, iyo garabka socialdemokrater-ka ayaa lagu wadaa iney taageero lumiyaan, hase yeeshee ey ahaan doonaan garabyada ugu waaweyn , sida ey iminkaba yihiin kolka doorashada la soo gabagabeeyo.

Dalka Nederland ayaa ugu horreeyn doona cod bixinta, middaasina oo dhici doonta 23 maajo. Wadammada qaarkood oo xubno ka ah EU ayaa codeeynta looga dareeri doonaa 24 iyo 25 bisha maajo, hase yeeshee waddammada badankood oo Sweden ay ka mid tahay waxaa codeeynta loo dareeri doonaa 26-ka bisha maajo oo ku beegan maalin axad ah.

Waa markii ugu horreeysay ee aan la ogsooneyn inta xildhibaan ee baarlamanka fariisan doonta, maadaama aan laga war heyn halka ay ku dambeeyn doonto xaaladdii brexit ee xubinnimada dalka boqortooyada Ingiriiska. Hindisaha la aaminsanaa ayaa ahaa in la dhimo xubnaha xildhibaannada baarlamanka EU 47 xildhibaan oo uey noqdaan 705, balse haddii dawladda boqortooyada Ingriisku ku nagaado EU tiradoodii hore loo deyn doono 751 xildhibaan.

Waa xaalad saameeyn doonta tirada xubnaha xildhibaannada Sweden oo iminka ey u fadhiyaan 20 xildhibaan, haddiise Ingiriisku ka laabto xubinnimada EU ay Sweden yeelan doonto xildhibaan dheeri ah (21 xildhibaan).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here