Home Wararka Maanta Kalkaalisooyinka ( Sköterskor ) oo helaya mushahar gaaraya 50,000 kun Xagaagan gudahiisa

Kalkaalisooyinka ( Sköterskor ) oo helaya mushahar gaaraya 50,000 kun Xagaagan gudahiisa

0

Kalkaalisooyin aad u yar ayaa ka jirta gudaha isbitaalada Dalka Sweden taasi oo keeneysa in isbitaalada qaarkood ay xiraan qeybo kamid ah Xaruumahooda madama ay ku adagtahay helista kalkaalisayaal shaqenaya xiliga xagaaga.

Degmooyinka qaar ayaa taasi awgeed waxay saro u qaadeen mushaharka ay qaadanayaa kalkaalisooyinka kuwaasi oo shaqeenaya xiliga kuleelaha Degmada Umeå ayaa mushaharka kalkaaliso ama kakaaliye walbo ka dhigtay 50,000 kun oo krone bishii.

Filipstad oo ka tirsan Värmland ayaa intaasi ka badan karta sidoo kale kalkaalisooyinka ku sugan Örnsköldsvik iyo Sundsvall ayaa badankooda qaadanaya 50,000 kun oo krone lacag ka badan.

Dalka Sweden waxaa ka jira gabaabsi dhanka kalkaalisooyinka waxana ugu badan deegaanada dhaca dhanka galbeedka Dalka sweden.

Somaliska Götenborg

Xigasho/8sidor

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here