Home News in English Akhriso Isbadalka Lagu Sameenayo Sharciga ku meel gaarka hadii la kordhiyo

Akhriso Isbadalka Lagu Sameenayo Sharciga ku meel gaarka hadii la kordhiyo

0

Sharciga ku maalgaarka ee socdaalka ee hirgalay 19-kii juulaay sannadkii 2016 oo gabagabo ku sugan ayaa dawladda dhowaantan laga filayaa inay soo bandhigto baarlamanka mooshin ay ku doonayso in lagu kordhiyo laba sannadood oo hor leh.

Halka dhanka kale is bedello lagu sammeeyn doono, sida ay bishii jannaayo 2019 ku heshiiyeen dawladda iyo xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna.

Qoraal hor dhac ah oo dawladdu u gudbisay guddiga ka soo talo bixinta shuruucda ee afka iswiidhishka lagu yiraahdo – lagråds remissen ayaa haddii uu baarlamanku ansixiyo uu socon doonaa illaa iyo 19-ka bisha luulyo 2021.

Fredrik Beijer, ahna madaxa laanta shuruucda ee wakaaladda socdaalka Sweden oo wareeysi siiyay laanta afka carabiga ee idaacadda Raadiyaha Sweden ayaa sheegay iney iminka dalka ka jiraan laba xeer oo is barbar socda oo labaduba khuseeyaan soo galootiga. Mid waa xeerkii ajaaniibta ee dalka horay ugu degsenaa ee lagu dhaqmi jirey iyo:

-Waxaa kaloo dalka ka howlgala xeerka ku meel gaarka ah ee qabanaya ciddii dalka magangelyo ka dalbatay laga soo bilaabo 24-kii bishii nofeembar 2015 iyo wixii ka dambeeyey, sida uu sheegay. Isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yiri:

-Haddii aad magan gelyo dalka ka dalbatay wixii ka horreeyay 24-kii bishii nofeembar 2015 uu qabanayo xeerkii hore ee ajaaniibta, wixii ka dambeeyay 24-ka nofeembar 2015-na uu qabanayo xeerka ku meel gaarka ah ee socdaalka, sida uu sheegay madaxa laanta shuruucda ee wakaaladda socdaalka, Fredrik Beijer.

Haddaba xeerka ku meel gaarka ah ee hir galay 19-kii bishii luulyo 2016 maadaama ey xilligaasi dalka soo galeen qaxooti aad u fara badan illaa iyo 160 000 ayay guntiisu ugu waynayd laba arrimmood.

1.       Iyada la adkeeyey sharcigii joogtada ahaa ee la bixin jiray, lagana dhigay mid ku meel gaar ah.

2.       Iyada sidoo kale la adkeeyey habkii qaraabada loo mideeyn jirey.

Cidda magangelyo doonka ah ee loo aqoonsado qaxooti dhab ah ee xeerkii caalamiga ee Geneva ayuu xaq u siinayaa xeerka ku meel gaarka ah ee socdaalku inuu helo deggenaansho saddex sannadood ah, sida uu sheegay Fredrik Beijer. Wuxuu sidoo kale  xaaladaha qaarkoodxaq u siinayaa inuu ama inay qooyskiisu soo dalbadaan mideeyn muddo saddex bilood ah gudahood kolka la gaaro go’aanka deggenaansho ee saddexda sannadood ah.

Haddiise aan qofka magan gelyo doonka ah loo aqoonsan inuu yahay qaxooti dhab ah ee xeerka caalamiga ee Geneva, balse loo arko inuu u baahan yahay magangelyo, waxa loo yaqaanno ”skyddsalternativ”,  wuxuu xeerka ku meel gaarka ah ee soo galootigu oranayaa in qofkaa la siiyo sharci ku meel gaar ah muddo 13 bilood ah oo kolka ay ka dhamaato dib loo eegi doono dacwaddiisa. Hase yeeshee aanu qofkaasi xaqu u lahayn inuu qoyskiisa ama ilmihiisa kula midoobo Sweden, sida uu sheegay Fredrik Beijer:

-Cidda 13 bilood deggenaansho ku meel gaar ah dalka ku heshay, xaq maanta uma lahan iney qooyskooda Sweden kula midoobaan, sida uu sheegay.

Dadyowga deggenaanshaha 13-ka bilood ku helay sharciga ku meel gaarka ee socdaalka ayay waajib ku tahay inay dib u dalbadaan mar kale inta aannu sharcigu ka dhicin haddii ay dooneyaan inay dalka ku sii nagaadaan, iyadoona sida uu xeerku iminka qorayo ey laba waddo mid un qaadi karaan. Waa marka koowaade in ciddii ku guuleeysatay inay hesho shaqo joogto ah oo ay nafteeda ku kafaaleeyn karto la siiyo sharci deggenaansho oo joogto ah, halka ciddii aanay middaa u suurtagelin dib loo eegi doono xaaladdeeda iyo haddii uu wax isbadel ah ka dhacay dalkeedii oo xaqiiniyaa in dib loogu celin karo iyo in kale.

Wakhti ku kordhinta sharciga ku meel gaarka.

Iyada oo ay iminka ka harsan tahay muddo saddex bilood ah saddexdii sannadood ee horay loo go’aamiyey in lagu dhaqmo xeerka ku meel gaarka ee qaxootiga, ayay dawladdu iminka diyaarinaysaa mooshin lagu dheereeneyo muddo laba sannadood ah inuu xeerkaasi sii sicdo illaa iyo 19-ka bisha luulyo ee 2021. Hase yeeshee meelaha qaarkood is bedello lagu sameeyey kolka loo barbar dhigo sida uu xeerka iminka u qoran yahay, sida uu sheegay Fredrik Beijer, ahna agaasimaha laanta shuruucda ee wakaaladda socdaalka:

-Xeerka cusub waxaa ku jiri doona isbedel ah xitaa cidda aan loo aqoonsan qaxooti dhab ah ee la siiyo sharciga deggenaanshaha ku meel gaarka ah, ”alternativskyddsbehövande” inuu axq u yeelan doono inuu qooyskiida Sweden kula midoobo, macnaha uu dalban karo. Waa is bedelka ugu muhiimsan. Waxey noqon karaan xubno ka mid ah qoyska oo ku dhaqan waddammo kale oo doonaya iney Sweden yimaadaan, sida uu sheegay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here