Home News in English Maxaa ku soo kordhay Balaarinta Sharciga ku meel gaarka ee dhacaya Xagaaga

Maxaa ku soo kordhay Balaarinta Sharciga ku meel gaarka ee dhacaya Xagaaga

0

Sanadkii 2015 dowlada Sweden ayaa soo saartay sharci ku meel gaar ah kaasi oo loogu tala galay Qaxootiga ku cusub Dalka ee is dhiigay iyo kuwa helay sharciyada.

Sharciyada oo saameyn xoogan leh ayaa loo qabtay mudo 3 sano ah waxana uu ku egyahay xagaaga soo socda markaasi oo barlamaanka markale la hordhigayo hadii la kordhinayo iyo hadii kale.

Sharciga ayaa ugu muhiimsanaa labo arimood

1 Sharciga la bixin jiray oo laga dhigay ku meel gaar madama marki hore uu ahaa joogto.

2 iyo Qaraabada leesku keeni jiray oo la adkeeyay.

Warbaahinta gudaha ayaa badankooda tabinaya sharcigan oo saameyn ku yeeshay Qaxootiga cusub oo qasab looga dhigay in ay helaan shaqooyin isla markana dhameeyaan luuqada hadii ay doonayaan in sharciga loo kordhiyo.

dhanka kale laanta Socdaalka Sweden Migrationsverket ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay caqabadaha ka imaan kara sharcigan hadii markale la kordhiyo taasi oo muujjineysa in hay’ada ay kasoo horjeedo.

Xubnaha Barlamaanka Sweden ayaa dhankooda sharciga ku kala qeyb san lakin waxaa muuqata in ay badanyihiin kuwa doonaya in la balaariyo sharciga madama wali Midowga yurub isku raacin heshiis dhab ah oo dhanka Qaxootiga ah.

Dowlada ayaa dhankeeda dooneysa balaarinta sharciga hase yeeshee waxaa dhawaan la filayaa in sharciga la hordhigo Barlamaanka.

Lasoco Wixii ku soo kordha

Somaliska stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here