Home Wararka Maanta Wararka ugu Muhiimsan :- dhalinyaro lagu dilay koonfurta Sweden, iyo Stefan Löfven...

Wararka ugu Muhiimsan :- dhalinyaro lagu dilay koonfurta Sweden, iyo Stefan Löfven oo dhaleeceeyay Weerarka Sri lank

0

Dhalinyaro lagu dilay koonfurta Sweden,

Koonfurta Dalka Sweden gaar magaalada Helsingborg ayaa lagu toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo jira da’aada 20 sano jirka ah.

velina Olson oo u hadlay booliska Magaalada ayaa sheegay in ay heleen fariin sheegeysa in toogasho dhacday marka ay goobta tageena ay la kulmeen labada qof kuwaasi oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerarka.

labada qof ee la toogtay ayaa ku dhex sugnaa gaari xiliga loo geestay toogashada waxana booliska uu intaasi ku daray in qofna loo qaban weerarka.

Stefan Löfven oo dhaleeceeyay Weerarka Sri lank

Raisal wasaaraha Dalka Sweden Stefan ayaa ka hadlay weerarka ka dhacay Dalka Sri lank halkaasi oo lagu dilay 200 qof halka lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.

” Waxaan dhaleeceenayaa weerarkii Argigixiso ee ka dhacay Dalka Sri lank ee loo geestay dad aan waxba galabsan xili ay ku jireen kaniisad ciida Easterka iyo kuwa hotelka ku sugnaa waxaan tacsi u dirayaa dadka Sri lank ” Stefan ayaa ku qoray bagiisa Twitterka.

Weerarka ka dhacay Dalka Sri lank ayaa lagu weeraray kaniisado iyo Hotelo iyadoo tirada dhamashada ay mareyso 200 qof kuwaasi oo ku sugnaa goobahaasi.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here